Magaalada Turku ee dalka Finland ayaa maanta lagu soo gaba-gabeeyay shir looga hadlayay fursadaha ay dadka Somaaliyeed uhaystaan iney ganacsi ka sameystaan dalkan, waxaana kasoo qeyb galay xubno katirsan dowladda Finland, jaaliyaddaha Soomaalida dalkan Finland iyo qurbajoog kale oo ka yimid dalalka kale ee Yurub.
Barnaamijkan oo loogu magac daray Iska Waran ayaa soconayay mudo labo maalin ah, waxaana lagu soo bandhigayaa arrimo ay ka mid yihiin qaabka ay Soomaalidu ula qabsatay nolosha Finland gaar ahaan dhanka shaqadda iyo waxbarashada.
Read the full story here.
Sidoo kale Intii uu socday shirkan waxaa lagu soo bandhigay tirada bulshadda Soomaaliyeed ee ku nool Finland oo isugu jira kuwa dalkan qaxooti ahaan kusoo galay iyo kuwa ku dhashay.
