
Waa maxay sababta ay muhiim u tahay in la helo warbaahin #Af-Soomaaliga ku baxda ee ka hadasha arrimaha Finland ka dhaca?
Wararka iyo maqaalada lagu qoro Af-Soomaaliga, waxay fursad u siinayaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool Finland in ay si fiican u fahmaan waxa ka dhacaya dalka, una eegaan arrimaha noloshooda khuseeya iyagoo adeegsanaya afkooda hooyo.
Waxaa aad muhiim u ah in warbaahintan ay si toos ah u sameeyaan dadkii ay khusayso – si ay u muujiyaan aragtidooda, waaya-aragnimadooda, iyo in codkooda la maqlo. Tani waxay fursad siinaysaa in la falanqeeyo arrimaha Finland ka jira iyadoo laga eegayo dhinacyo kala duwan oo laga yaabo in aysan had iyo jeer ka muuqan warbaahinta waaweyn.
Aniga ahaan, aad baan u jeclaan lahaa in aan helno warar ku saabsan Finland oo Af-Soomaali ku qoran – xitaa haddii ay noqoto mar bishii ama usbuuciiba mar. Waxay iga caawin lahayd in aan si fiican u fahmo bulshada aan ku dhex noolahay, isla markaana aan dareemo in aan ka mid ahay.
—————— —————— ————————- —————
Miksi #vähemmistökielinen#media on tärkeää?
Lehdet ja uutiset vähemmistön omalla äidinkielellä ovat olennaisia, jotta yhteiskuntaa voidaan ymmärtää omasta näkökulmasta käsin. Ne edistävät osallisuutta, vuoropuhelua ja auttavat siihen, että vähemmistöjen äänet tulevat kuulluiksi ja ymmärretyiksi.
Erityisen tärkeää on, että tätä mediaa tuottavat itse vieraskieliset ja vähemmistöön kuuluvat ihmiset. Se luo tilaa keskustelulle siitä, mitä Suomessa tapahtuu – vähemmistöjen omista kokemuksista ja näkökulmista käsin.
Minulle olisi henkilökohtaisesti todella merkityksellistä saada uutisia Suomesta somaliksi – vaikka vain kerran viikossa tai kuukaudessa. Se auttaisi minua pysymään ajan tasalla ja tuntemaan vahvemmin, että kuulun tähän yhteiskuntaan.
Continue reading “Mahad Sheikh Musse*: Kirjoitus kolmella kielellä”





